Daawo Sawirrada: JUBBALAND oo loogu deeqay gaadiidka gaashaaman oo aysan heysan DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa maanta si rasmi u gudoomay deeq gaadiid dagaal ah oo ay mar kale soo gaarsiisay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Gaadiidkaani dagaal oo isugu jira kuwo gaashaaman, kuwa ay soomaalidu u taqaano tiknikada, Ambalaasyo iyo booyad.

Hogaamiyaha ayaa maanta deeqdaasi si rasmi ah u gudoomay waxaana munaasabadii gudoonka deeqdan goobjoog ka ahaa Hogaamiyaha ku-xigeenka Maamulka Jubaland Cabdulaahi Sheekh ismaaciil Fartaag, Wasiiru dowlaha gaashaan dhiga Dowlada fadaraalka Somalia, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo Xubno matalaayay Baarlamaanka.

Deeqdan ayaa qayb ka ah heshiis Maamul goboleedka Jubaland iyo Dowlada Imaaraadku ku kala saxiixdeen Magaalada Abu Dhabi xili wafdi uu hogaaminayay Hogaamiyaha Jubaland booqasho rasmi ah ku tageen Imaaraadka.

Hogaamiyaha Jubaland ayaa u mahad celiyay dowlada imaaraadka sida hagar la’aanta ah ee ay isku garab taagtay Maamul goboleedka Jubaland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18