XOG: Taliska milateriga oo ka hor yimid hadalkii DF Somalia ee la xiriiray geerida xildhibaan Dirir

Muqdisho (Caasimada Online) – Warkii shalay ka soo baxay wasaaradda amaanka xukuumadda Soomaaliya ee ay si cad ugu sheegtay in weerarkii lagu qaaday xildhibaanno ka mida Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xiisad ka dhex abuurtay xukuumadda Soomaaliya  iyo Taliska ciidamada milateriga Soomaaliya, kadib markii warka uu si cad eeda weerarka dusha uga saaray ciidamada milateriga.

Allaha u naxariistee Yuusuf Cabdi Dirir ayaa weerarkaasi ku geeriyooday, laakiin taliska ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa si kale u dhigay arrinta iyadoo wixii dhacay ku sheegay inay ahayd shil si degdeg ah u dhacay oo aanay jirin dembi ay ciidamada milateriga ku leeyihiin arrintaasi.

Taliyaha ciidamada Milateriga Jen. Daahir Aadam Cilmi (Indha-qarshe) ayaa si weyn uga carooday warka wasaaradda ammaanka isagoo cabashadiisa gaarsiiyay xukuumadda iyo madaxtooyada, waxaana arrintaasi ay dhalisay waanwaan hor leh oo madaxda sare ee dowladda ku dhex jiraan, iyadoo taliska milateriga uu doonayo inuu dhinaciisa ka hadlo sidii ay wax u dhaceen iyo shilkaasi qaabkii uu ku yimid oo gebi ahaanba ka duwan sida wasaaradda amniga u dhigtay.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in qaabka loo qoray warsaxaafadeedka wasaaradda amniga uu diyaariyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, kaasoo u yeertay afhayeenka wasaaradda si uu saxaafadda ugu akhriyo, laakiin afhayeenka uu ka gaabsaday mar haddii aanu wasiirkii amniga ka war heyn qoraalka, waxaana arrinta markii danbe soo dhex galay wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ogolaaday in qoraalkaasi saxaafadda loo akhriyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com