DF oo jawaab ka bixisay go’aankii Golaha Ammaanka QM uu ka gaaray Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb. Abuukar Daahir Cismaan Baalle ayaa ka hadlay go’aankii uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu markale dib cusbooneysiiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Danjire Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay in hub walba oo galaya gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iney ogaato, xilli go’aanka Golaha Amaanka ee QM uu dhigayo in Soomaaliya sii saarnaato muddo sanad ah xayiraada hubka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xiligan la qaado dhamaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya, taasi oo lagu soo rogay tan iyo 1992, sannadkii kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas oo uu hubkii dowladda uu gacanta u galay dad shacab ah.

“Waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ogaado halbeegyada si cad loo qeexay, waaqici ah iyo kuwa la qiyaasi karo, iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya,’ ayuu yiri danjire Baalle.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadihii u dambeeyay sii cusbooneysiinayay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, gaar xayiraadda ka saaran soo iibasashada hubka cul-culus.

Waxa ay goluhu tilmaameen in sidoo kale ay mamnuuc tahay ka iibinta ama u daabulka Soomaaliya walxaha qarxa iyo dhoofinta dhuxusha oo la sheego inay dhaqaale ka hesho Al-Shabaab.

Golaha ayaa qaba inay weli ay sii wadaan carqaladeynta xasiloonida Soomaaliya dhaq-dhaqaaqa xiriirka la leh kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay xoojiso dagaalka ka dhan ah kooxahaas, si loo wiiqo awoodooda.