Sacuudiga oo billaabay inuu dhalasho siiyo qaar ka mid ah ajaaniibta dalkaas + Sababta 

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Isniintiii dhalasho siisay koo ajaaniib ah oo isugu jira dhaqaatiir, culimo iyo aqoonyahano, isaga oo noqday dalkii labaad ee ka tirsan Khaliijka ee sidaas sameeya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay dikreeto Khamiistii tagtay uu soo saaray boqorka oo dhalasho lagu siinayo “ajaaniibta hibada gaarka ah leh,” kuwaasi oo gacan ka geysan doono kobaca boqortooyada, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. 

Ajaanibta Sacuudiga ayaa inta badan dalkaas ku jooga dal-ku-gal badanaa sharci ah kaliya dhowr sano, oo lagu xiro inay shaqo haystaan. 

Barnaamijka cusub ee dhalashada lagu bixinayo ayaa raadinaya dadka dalka ku jooga mixnadaha Islaamiga ah, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, cayaaraha iyo taknoolajiyadda.

Qorshaha ayaa ah in dalku ceshto dadka hibada gaarka ah iyo aqoonta leh, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray Vision 2030, oo dalkaas uu doonaya inuu uga maarmo in dhaqaalaha dalka uu ku tiirsanaado kaliya shidaalka.

Sida ay shaaciyeen warbaahinta gudaha, kooxda dhalashada la siiyey ayaa waxaa ku jiro culimo horey u taageeray mowqifka boqor Salmaan ee lagu qafiifiyey xeerarkii adkaa ee diimeed ee dalkaas ka jiray, khubaro maaliyadeed, dhaqaatiir, iyo aqoonyahano ku takhasusay injineeriyadda, kimistariga iyo isgaarsiinta. 

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo Sacuudi Carabiya ay raadineyso inay xarun u noqoto gobolka ayada oo loo marayo maal-gashiga dibadeed iyo aqoonta dadka hibada leh ee ajaaniibta ah. 

Bishii Janaayo, Imaaraadka Carabta ayaa ku dhowaaqay barnaamij dhalasho lagu siinayo maal-gashtayaasha iyo xirfadlayaasha kale, oo ay ku jiraan saynisyahanada, dhaqaatiirta iyo qoysaskooda. 

Imaaraadka ayaa sanado badan ahaa xarunta ganacsiga iyo maaliyadda ee Khaliijka, hase yeeshee waxaa hadda loolan xoogan uga imanayaa Sacuudi Carabiya.