‘Muddo kororsi dadban oo socda’ xilli la filayey doorasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu ka socdo muddo kororsigii laga badbaadiyey, kaasi oo dagaal xoogan ka riday magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in damaca koox gaar ah uu ka weynaaday jiritaanka dowladnimada, islamarkaana uu si dadban u dhaqan galay muddo kororsigii, taasi oo uu sheegay inaysan marnaba aqbali dooni.

“Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay samata-bixin deg deg ah, oo uu dalka sidan sii ahaan karin, isagoona shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan in dalka laga saaro xaalada halista ee u horseeden kooxda muddo kororsi doonka ah.

“Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.”

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku jira bishii sagaalaad ee xukunka tan iyo markii waqtigiisa uu dhammaaday, waxaana la rumeysan yahay in uu kursiga kusii fadhin karo muddo intaas ka badan, maadama uu gaabis badan ka jiro habsami u socodka doorashada.