Xog: Midowga Murashaxiinta oo dhisaya gole qaran oo dalka maamula + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa qorsheynaya in dhisaan gole qaran oo si ku-meel gaar ah dalka maamula inta ay ka dhaceyso doorasho oo dowlad cusub laga helayo, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulamo maalmahan u socday Midowga oo ay muuqato hubanti la’aan doorashada kadib markii daahitaan weyn uu ku yimid jadwalka doorashada oo marar badan dib u dhacay.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Midowga Murashaxiinta ay rumeysan yihiin in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto dhowr bilood ama ku dhowaad, kadib markii doorashadii Aqalka Sare ay qaadatay ku dhowaad afar bil.

Dhismaha golaha ayaa looga dan leeyahay in cadaadis xooggan lagu saaro madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Golaha qaran ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo haddii aan doorashada golaha shacabka lagu dhameyn inta ka harsan sanadkan ama ugu yaraan aan meel wanaagsan oo geba-gebo ku dhow la gaarsiin.

Dhismaha golaha qaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona in mar kale ay ciidamada Badbaado Qaran soo galaan caasimadda Muqdisho, si la mid ah bishii April markii la fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo.

Murashaxiinta ayaa rumeysan inay socoto muddo kororsi dadban, sida uu maanta qoraal uu soo saaray ku shaaciyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah Midowga.

“Hawl adag ayaa laga soo maray in muddo kororsi dalka laga badbaadiyo, laakiin waxaa socda muddo kororsi dadban. Jiritaanka dowladnimada ayaa ka wayn xukun la helo ama xil bilo lagu sii nagaado. Dano shakhsi ah ayaa dalka u nugleeyeen damacii kooxda muddo kororsi doonka ahayd,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waa in xal la helaa, shacabka Soomaaliyeed gudo iyo debedba waa in ay u diyaargaroobaan in dalka laga samata bixiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo masiir mugdi ah.”

Caasimada Online ayaa rumeysan in daahitaanka doorashada iyo muddo kororsiga dadban uu qeyb ka yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo doonaya inuu xilka sii haysto, maadaama madaxweyne cusub ay ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo.