Daawo: Boqor Buurmadow oo si lama filaan ah u shaaciyey arrin uu u tegayo Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu raali gelin ka wado gabood falladii ay xukuumadda Somaliland u geysatay dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Boqorka ayaa sheegay in isaga iyo salaadiin kale ay tegi doonaan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, si walaalaha degan halkaas ay uga raali geliyaan musaafurintii khasabka aheyd ee loogu geystay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Safarkeyga waxaa ku jirta oo ii qorsheysan oo naga go’an aniga iyo odayaasha kale ee Dir ee ila socday, inaan booqasho ku tagno magaalada Baydhaba, oo aan ka raali gelino walaalihii Laascaanood loogu geystay ciqaab wadareedka,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Sidoo kale Boqorka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay ciqaab wadareedkii ay Somaliland u geysatay dadka laga soo musaafuriyey Laascaanood, iyadoo loo beegsanayo heyb sooc.

“Dad walaalo ah oo magaalo degan in lagu sameeyo ciqaab wadareed, oo khasab lagu musaafuriyo, iyagoo aan ka diyaar garoobin oo hantidoodii qaadan, inaan taas ka raali gelino ayaan Baydhaba u tegeynaa aniga iyo odayaasha kale ee ila socda,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow.

Hoos ka daawo