Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay wararka maalmihii u dambeeyay ju faafay baraha bulshada ee sheegaya in Soomaaliya laga soo dhoofiyay muus laga keenay Kenya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, iyadoo shacabka ugu baaqday inay ka feejignaadaan xogaha aan la hubin.
Bayaan kooban oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo marin-habaabin ah, isla markaana aanay jirin wax muus ah oo Kenya laga keenay si loogu iibiyo suuqyada Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sheegtay inay muhiim tahay in bulshada ay xogta ka qaataan oo keliya ilo rasmi ah
“Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS waxay beeninaysaa wararka ay dad qaarkood faafinayaan ee sheegaya in Kenya muus fara badan u soo dhoofiso Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ku boorrisay shacabka inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin, iyadoo xustay in xog kasta oo la xiriirta wax-soo-saarka beeraha iyo arrimaha cunnada lagu kalsoonaan karo laga heli karo warbaahinta rasmiga ah ee wasaaradda.
“Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay xogta ka qaataan oo keliya ilaha rasmiga ah ee Wasaaradda,” ayaa lagu sii yiri bayaanka, kaas oo yimid kadib hadal-heyn ballaaran oo ka dhalatay wararka ku saabsanaa muus la sheegay in laga keenay Kenya.
Wararka la beeniyay ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyadoo dhalisay doodo ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto beeraleyda Soomaaliyeed iyo wax-soo-saarka gudaha, halka dadka qaar ay ku tilmaameen arrin muujinaysa heerka liita ee Soomaaliya ay mareyso, oo ayadu wax walba dibadda kasoo dhoofsata.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Geeska Afrika ee si weyn looga beero muuska, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbooyinka.
Muuska dalka laga soo saaro ayaa si joogto ah loo geeyaa suuqyada Muqdisho iyo gobollada kale, inkastoo waqtiyadii u dambeeyay uu kor u kac ku yimid qiimaha dalagyada qaar sababo la xiriira isbeddellada cimilada, gaadiidka iyo kharashaadka wax-soo-saarka.
Bayaanka wasaaradda beeraha ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka ay sheegtay inay dadaal ugu jirto xoojinta wax-soo-saarka gudaha iyo dhiirrigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiintu ku celcelinayaan in kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga cunnada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

