DF oo ka laabatay go’aan ay horey u qaadatay oo ka dhan ahaa dalka Kenya

Naiorbi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal lagu wado inay ka qaybgalaan shir ay iska kaashanayaan Beesha Caalamka iyo QM, kaasi oo ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaalanka argagixisada.

Shirkaasi oo lagu qabanayo xarunta qaramada Midoobay ee caasimadda Kenya ee Nairobi waxaa ka qaygalaya Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio Guteres.

Antonio Guteres, ayaa 10-ka Bishan July, ka furi doono Magaalada Nairobi kulan heer sare ah oo ay Waddamada Gobolka ka yeelan doonaan Arrimaha argagixisada, iyadoo la filayo in uu halkaasi kula kulmo hoggaamiyeyaasha Mandiqadda iyo madax kale.

Mr. Guterres; ayaa sidoo kale la filayaa in uu ka qeyb qaato kulan ay Dhallinyarada Gobolka kaga hadli doonaan ka hortagga afkaarta xag-jirnimada iyo Gacan ka hadalka, sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud.

Dowladda Federaallku weli ma shaacin masuuliyiinta uga qaybgalaya shirkaasi, hase yeeshee waxay tani u muuqataa isbeddel siyaasadeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaadacday shirarka Nairobi ka dhacaya kadib markii Kenya ay Visa u diiday mas’uuliyiin Soomaaliyeed, waxayna dowladda u sheegtay hay’adaha caalamiga ah inay shirarka quseeeya Soomaaliya ku qabtaan meel aan magaaladaas ahaan.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa beddelay go’aankii hore ee dowladda, waxaana tani ay imaneysa ayada oo xiisadda labada dal ay weli taagan tahay.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com