29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

DF oo ku dhowaaqday in ay maanta galeyso Baydhaba iyo Lafta-gareen oo sheegay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka digay in weerar kasta oo lagu qaado Baydhaba ama deegaanada maamulkaasi uu wajihi doono “jawaab militari oo aad u culus”, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada dowladda federaalka la filayo inay magaalada galaan Isniinta maanta ah.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Lafta-gareen ayaa ku sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aanu oggolaan doonin in xoog lagu soo weeraro Baydhaba ama dhulkiisa kale.

“Weerar kasta oo lagu qaado Baydhaba ama dhulka Koonfur Galbeed waxaa lagu wajihi doonaa jawaab militari oo ku habboon oo aad u adag,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Wuxuu sidoo kale farriin toos ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay inuu ka fogaado dhiig daadasho cusub oo dhex marta Soomaalida.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne Xasan Sheekh inuu waqtiga yar ee uga harsan xilka u adeegsado inuusan dhiig Soomaaliyeed daadin, balse uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Hadalka Lafta-gareen ayaa yimid wax yar kadib markii Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulkadir Nuur Jaamac, uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya la filayo inay Baydhaba galaan Isniinta maanta ah.

Wararka cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay dagaallo ay ka dhaceen deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jirta Baydhaba.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen deegaankaas kadib weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab, halka ilo maxalli ah ay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee la socday ay kadib dagaalkaas kusii dhaqaaqeen waddada aada Baydhaba.

Dowladda Soomaaliya oo Cabdicasiis Lafta-gareen ku tilmaamtay hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in isaga iyo Cali Saciid Fiqi ay xiriir la leeyihiin Khawaarijta, isla markaana ay warar been abuur ah ka faafiyeen howlgalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba.

Qoraalka Lafta-gareen ayaa muujinaya in maamulka Koonfur Galbeed uu isu diyaarinayo suurta-galnimada iska horimaad toos ah oo ka dhaca Baydhaba, oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkaas isla markaana leh muhiimad siyaasadeed iyo mid bani’aadannimo.

- Advertisement -

Read more

Local News