DF oo ku goodisay in ciidankeeda ay kasoo casheyn doonaan Nairobi

Baled-Xaawo (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna madaxa amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa hanjabaad hawada u mariyey dowladda Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay weerarro ku soo qaadeen ciidamada  dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaawo, waxuuna ku goodiyey in hadii Kenya ay dhowri weyso derisnimada, weeraradana jooji weyso ay ciidamada dowladda Soomaaliya kasoo casheyn doonaan magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

“Dowladda Kenya waxaan u sheegeynaa in aysan sax aheyn weerarrada laga soo arbushayo saldhigga ciidamadeeda ee Mandheera, madaxda Kenya hadey ku ogtahay, waxaan sameyn doonaan in halkan aan anaguna weerarro ka arbushno, waan u digeynaa dowladda Kenya derisbaan nahay, waxaan ilaalinaynaa wanaaga, in saldhigyadeeda weerarro nalooga soo qaado mid aan yeeleyno maaha, hadey jooji weysana waxaan amrayaa ciidankan in ay Nairobi ka casheeyaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji.

Hadalka sarkaalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo shalay dagaal khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeyey sida la sheegay ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey magaaladaas.

Ciidamada shalay dagaalka kooban kula galay Beled-Xaawo kuwa dowladda federaalka waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen deegaan ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, hase yeeshee waxay ahaayeen askar ka tirsan Jubbaland oo maalmo ka hor iskaga baxay magaalada markii loo sheegay in ay dowladdu ciidamo geynayso.

Hoos ka dhageyso hadalka guddoomiye ku-xigeenka