Madaxweyne Muuse Biixi oo u safray Itoobiya + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa galankii dambe ee maanta u ambabaxay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Safarka uu Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ay ku tagayaan dalka Itoobiya ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona Maalmo kooban, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Maxamuud Warsame Jaamac, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo ka warbixinayey ujeedka Safarkaasi ayaa sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka ay Somaliland jaarka yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenku in safarka Madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u dambeeyey.

“Waxa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed” ayuu yiri Afhayeenku.

Safarkan ayaa Madaxweynaha waxa ku wehlinayey Xubno ka mida golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin: Wasiirada Horumarinta Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha.