Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska uu gacanta ku hayo kiisas la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso oo gaaraya illaa 250 kiis.
Qoraalka oo lagu faah-faahiyay kiisaskan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xayiray lacag ku dhow hal milyan oo doolar, isla markaana ay lahayd kooxda Al-Shabaab, kadib markii loo dhacay akoono ay isticmaali jireen kooxaha argagixisada ah.
Sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in lacag nus milyan ah oo ay lahayd kooxda lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya, kadib markii xukun sharci ah laga soo saaray.
“Xafiisku wuxuu ku guuleystay in la fatasho in ka badan 3500 akoon oo ay isticmaali jireen kooxaha argagixisada, loona adeegsan jiray aruurinta maalgelinta kooxaha argagixisada, tallaabadaas oo ay ka dhalatay in la xayiro ku dhawaad hal milyan oo doolar” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xafiisku wuxuu xaqiijiyay in dawladda Soomaaliyeed si sharci ah loogu wareejiyo ku dhawaad nus milyan doolar oo ku jirtay koontooyinka kooxaha argagixisada ah”.
Warqadda ayaa sidoo kale sheegay in la xukumay 13 dambiile oo lagu helay lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kuwaas oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dagaalka dhinaca dhaqaale ee ay dowladdu kula jiro Al-Shabaab, kaas oo haatan laga gaaray guullo waawayn oo wax ku ool ah.
Dhawaan ayay ahayd markii la xiray in ka badan 575 taleefoon oo Al-Shabaab ay u adeegsan jireen uruurinta lacagaha iyo hanjabaadda shacabka. Sidoo kale waxaa la xayiray illaa 21 akoon Bank oo ay isticmaali jireen kooxaha Argagixisada.
Waxaa kale oo lagu guuleystay in la xiro 88 xisaabaad ganacsi (Marchants) oo loo isticlaamayay lacagaha baaddda ah iyo lacag dhaqidda, sida lagu sheegay warbixinta.


