Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku guul-daraysatay in ay hubiso shaqsiyaadka ay ogolaanayso in ay dalka safiiro ka noqdaan, gaar ahaan safiirka cusub ee Itoobiya ay u soo dirtay Muqdisho, ayaa la ogaaday inuu yahay nin u ololeeya kala goynta Soomaaliya, oo taageera gooni isutaagga Somaliland.
Suleiman Dedefo, ayaa lagu magacaabay ninkaan oo noqday safirka cusub ee Itoobiya u jooga Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay, maalin ka horna wasiirka arrimaha dibadda ayaa nuqul kale ka guddoomay.
Waa nin si joogto ah bartiisa Twitter (X) ugu falanqeeya arrimaha Soomaaliya, isagoo dowladda federaalka u yaqaana “nidaamka fashilmay ee Muqdisho” wuxuu hadda ku biiray kooxda awoodda badan ee C6+ oo xarunta Xalane ee Muqdisho degan.
Danjiraha cusub ee Itoobiya u jooga Soomaaliya, Suleiman Dedefo, mar uu ka hadlayey arrinta hawada Soomaaliya wuxuu bartiisa X ku soo qoray, “Nidaamka fashilmay eeMuqdisho: Waa Burcad hawadeed oo soo ifbaxaysa – Kooxda masuuliyadda la’aanta ah ee hadda awoodda ku haysa Muqdisho, waxay mar kale muujisay in aysan maamuli karin qaybtaas weyn oo xasaasi ka ah adduunka. Iyadoo biyaha badda ku teedsan Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin xaalad amni oo halis ah.”
Wuxuu intaas ku sii daray, “Burcad hawadeed ka soo jeeda Muqdisho ayaa khatar hor leh ku haya amniga gobolkaas. Isku daygii in la abuuro shil diyaaradeed oo u dhexeeya diyaaradaha Itoobiya iyo Qatar, 24-kii Febraayo 2024, ayaa marqaati cad u ah cabashadan. Sidaas darteed, hay’adaha caalamiga ah ee u xilsaaran maamulka hawada iyo duulista waxay tahay in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo ammaanka hawada Soomaaliya.”
Mar kale, isagoo ka hadlayey banaanbixii ay Itoobiya abaabushay ee ka dhacay degmada Xudur ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuu ka hadlay arrinta ciidamada Masar ee lagu soo darayo howlgalka AUSSOM.
Xiligaas wuxuu bartiisa X ku soo qoray, “Dadka Soomaaliyeed, oo si wanaagsan uga faa’iideystay casharradii ay ka barteen taariikhdooda, ayaa si cad u diiday imaanshaha ciidanka Masar ee lagu casuumay hoggaamiyeyaasha nidaamka fashilmay ee Muqdisho. Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika (AU), waa in ay garab istaagtaa shacabka Soomaaliyeed.”
Ninkaan ayaa sidoo kale aad ugu ololeeya gooni isku taagga Soomaaliya, wuxuu necebyahay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo u yaqaana “Nidaamka fashilmay ee Muqdisho” sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay ragga u xil-saaran meel marinta qorshaha Itoobiya ay ku raadineyso saldhig iyo dekedo ay ka hesho badda Soomaaliya.
Hoos ka eeg cadeymaha


