28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Jamaal Maxamed Xasan oo ka digay ‘arrin khatar ah oo ay ka shaqeyneyso’ DF Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, oo kamid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, ayaa walaac xooggan ka muujiyey habka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u wajahdayo dhismaha maamulkaasi.

Qoraal uu soo saaray ayuu Jamaal ku sheegay in deegaanada maamulka Waqooyi Bari laga dareemayo khataro la xiriira kala irdhow bulsho iyo wiiqidda kalsoonida shacabka, gaar ahaan beelihii Laascaanood ku shiray.

“Waxaa jirta khatar weyn oo ah kala irdhow bulsho, wiiqanka kalsoonida dadweynaha, iyo burbur ku yimaada hannaanka dhismaha dhammaystirka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Jamaal.

Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay baaqyada kasoo yeeray odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Maxamuud Harti iyo bahwadaagtooda, kuwaas oo uu sheegay in ay si masuuliyad leh u muujinayaan walaac dhab ah oo la xiriira hannaanka xulista Xildhibaannada.

“Tabashada ay muujiyeen waa mid si mug leh uga tarjumaysa walaac dhab ah oo la xiriira habka xulista Xildhibaannada – hab aan sharciyad ku salaysnayn, isla markaana lagu sifeeyo boob iyo dhac,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Jamaal Maxamed Xasan wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada arrintani khusayso in ay si xilkasnimo leh uga jawaabaan tabashada jirta, ayna ka fogaadaan ficillo horseedi kara kala shaki, niyad-jab bulsho, ama dib-u-dhac ku yimaada dhismaha maamulka.

Ugu dambayn, Jamaal wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada bulshada, lana joojiyo hannaan doorasho oo hal dhinac ah, si looga hortago khataraha dhaawici kara masiirka siyaasadeed ee mustaqbalka Gobollada ku midoobay maamulka Waqooyi Bari iyo guud ahaan dalka.

Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay si kulul ugu cambaareeyeen faragelin ay sheegeen in dowladda federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), uu ku hayo hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Bayaanka oo nuqul ka mid ah ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in “Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaanada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, islamarkaana uusan metelin saamileyda deegaanka.”

Sida lagu caddeeyay bayaanka, “Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.”

Musharraxiintu waxay sheegayaan in guddigaasi uu yahay mid “si gaar ah u adeegaya dano gaar ah, taasoo dhaawacaysa kalsoonida bulshada, beesha caalamka iyo hufnaanta nidaamka doorasho ee maamulka Waqooyi Bari.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “hab-dhaqanka wasiirka uu sababi karo khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub, iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.”

Musharraxiinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, islamarkaana “aysan suuragal ahayn in la aqbalo hannaan aan lagu dhisneyn wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay la wada yihiin saamileyda deegaanka.”

- Advertisement -

Read more

Local News