Beledxaawo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamo xooggan u diray dhanka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo qorshuhu yahay in ay weeraraan ciidamada dowladda federaalka ee qabsaday Beledxaawo.
Ciidamada uu diray Axmed Madoobe ayaa la qorsheeyey inay maraan xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isla markaana ay halkaas ka galaan Belexaawo.
Sida ilo wareedyo deegaanka ah ay u xaqiijiyey Caasimada Online in ciidanka uu diray Axmed Madoobe ay wataan ku dhawaaq 20 gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo aad u badan.
Waxaa jira ciidamo ka tirsan Jubbaland oo go’doon ah, kuwaas oo ku jabay dagaalkii Beledxaawo ay kula galeen kuwa dowladda federaalka.
Ciidankaas ayaa u baxsaday gudaha Kenya, gaar ahaan aagga Mandheera, Jubbaland ayaa qorsheyneysa in laba dhinac ay ka weerarto Beledxaawo, si gacanteeda ay ugu soo celiso.
Ciidamada dowladda federaalka ee uu hoggaaminayo Taliyaha NISA ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan, ayaa difaac adag ka galay Beledxaawo, waxaana cabsi badan laga qabaa in dagaal kale uu ka qarxo halkaas maalmaha soo socda.
Gudoomiyaha gobolka Gedo ee Jubbaland Alqaadi ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciidamada dowladda federaalka ee qabsaday magaalada Beledxaawo.
Weli macada sida ay dhinacyadu ula macaamilayaan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolkaas oo saamayn ku leh siyaasadda Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa dadaal badan ku bixineysa inay Jubaland iyo Itoobiya kala furfurto.
Sida ay sheegayaan xogaha hoose, Mahad Salaad, ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu tago magaalada Doolow, wuxuuna halkaas kula shirayaa dhiggiisa Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.
Dowladda federaalka ayaa kula heshiisay Itoobiya in la abuuro wadashaqeyn ka hirgasha gobolka Gedo, iyadoo meesha laga saarayo xiriirkii Axmed Madoobe kala dhaxeeyey Itoobiyaanka.

