Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle, Sheekh Cismaan Barre, ayaa sheegay in qaar kamid ah xubnihii Al-Shabaab ee weeraray Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne ay dib u laabteen iyagoo nool, sida uu shaaciyey.
Sheekh Cismaan Barre, oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, oo ay kasoo dhasheen qaar ka mid ah odayaashii lagu weeraray hotelka, ayaa caawa wareysi siiyey TV-ga Universal. Wuxuu eedeyn culus u jeediyey dowladda, gaar ahaan taliska NISA.
“Xalay 11:30, labo Cabdi Bile oo Shabaab ah ayaa galbeed kasoo gashay magaalada Beledweyne, iyadoo aan xabbad lagu ridin ayey tageen hotelkii weerarku ka socday. Waxay halkaas ka qaateen labo nin oo nool oo kamid ahaa kuwii weerarka fuliyey iyo labo dhaawac ah,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.
Eedeymaha uu u jeediyey NISA
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle wuxuu Taliska NISA u soo jeediyey labo eedeyn oo kala ah:
- Sababta ay markii hore u ogaan waayeen weerarka culus ee la qorsheeyey, kaas oo lagu laayey nabadoonada beesha Gaaljecel, kuwaas oo waday abaabul ay dowladda ku garab istaagayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
- Sababta ay uga hortegi waayeen in Shabaab mar kale yimaadaan hotelka, oo ay halkaas kasoo qaataan raggii weerarka fuliyey.
Sheekh Cismaan Barre wuxuu intaas ku daray in ciidamada ammaanka, gaar ahaan NISA, ay dalbadeen in iyaga loo baneeyo goobta markii gabalku dhacay, taasoo keentay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ahaa howlgalka ay dib uga baxaan hotelka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shabaab-kii xalay Beledweyne soo galay ay xabbado ku rideen ciidamada ammaanka, balse aysan helin cid iska difaacda, taasoo keentay inay dib ugu qabsadaan hotelka, halkaasna ay kasoo qaateen meydad iyo dhaawacyo, iyo afar nin oo nool, labo kamid ahna ay dhaawac yihiin.
“Waxaan farriin u dirayaa Sanbaloolshe, Nabad Sugidda kuu joogta Beledweyne awalba dhib ayaa laga qabay. Waa ciidan u dhaqma sidii burcaddii, dadka ma difaacaan ee waa baadhaan. Fadlan ciidankaas meesha ka qaad, beel gaar ah ayey bartilmaameed ka dhigteen,” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.
Sidoo kale, wuxuu ka codsaday Taliyaha Xoogga iyo Taliyaha Qeybta 27-aad inay baaritaan ku sameeyaan sababta loogu fasaxay Al-Shabaab-kii weerarka fuliyey inay si fudud dib ugu laabtaan.
“Xalay Shabaab-kii xabbado ku riday buundada cid u jawaabta waa waayeen. Waxaan codsaneynaa baaritaan,” ayuu yiri.
Eedeynta maamulka Beledweyne
Sheekh Cismaan Barre ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, isagoo ka codsaday in maamulka magaalada Beledweyne la beddelo. Wuxuu eedeeyey inay yihiin xubno aan dan ka lahayn shacabka ay xukumaan.
“Madaxweynow, waan kula shaqeyneynaa, ee naga beddel kuwa maamula Beledweyne. Xalay iyadoo xaaladdaas taagan tahay ayey guryahooda ‘Ladhuu’ ku cayaarayeen,” ayuu yiri, isagoo si cad ugu eedeeyey maamulka magaalada inay la shaqeeyaan Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada in kiiskan la baaro, si loo kala saaro maamulka magaalada iyo xubnaha Al-Shabaab ee isku milmay, lana helo cid masuuliyadda qaadata.