Mekelle (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee gobolka Tigray ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay “fahamto” xaaladda sii xumaanaysa oo ay “bixiso taageero degdeg ah,” iyaga oo ka digaya in koox ka tirsan TPLF ay wadaan dadaallo lagu “burburinayo” heshiiskii Pretoria, taasoo khatar gelinaysa xasilloonida gobolka.
Bayaan uu madaxweynaha maamulka Getachew Reda soo saaray maanta oo ah 12-kii Maarso 2025, wuxuu ku sheegay in “laga bilaabo 23-kii Janaayo 2025, saraakiil sare oo ka tirsan TPLF ay abaabulayaan” isku day inqilaab ah si ay ugu adeegaan “dano gaar ah oo xaddidan.”
Wuxuu intaa ku daray in “toddobaadkan, dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah” oo ay hoggaaminayaan taliyayaal ku sugan jiidda waqooyi-bari iyo koonfureed ay “si xawli ah u kordheen.”
Maamulka KMG wuxuu xusay inuu 6-dii Maarso 2025 u diray warqad Taliyaha Ciidamada Tigray, taasoo lagu amrayo in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyadaasi. Hase yeeshee, maadaama xaaladdu aanay xal helin, “xayiraado ayaa la saaray taliyayaasha jiidaha,” halka madaxa Xafiiska Amniga “xil-ka laga qaaday.”
Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay taliyayaashan inay kordhiyeen dadaalkooda ay ku “burburinayaan Maamulka KMG laga soo bilaabo heer sare ilaa heer hoose,” iyagoo fulinaya “falal sharci-darro ah” oo lagu beegsanayo shacabka.
Wuxuu maamulka xusay in saraakiisha sare ee militariga, oo ay hurinayso “koox doonaysa awood,” ay si ula kac ah u wiiqayaan maamulka, jebinayaan heshiiskii Pretoria, isla markaana uga sii darayaan xaaladda shacabka Tigray.
Bayaanku wuxuu intaa ku daray in laga bilaabo 11-kii Maarso 2025, kooxdaasi ay “si xawli ah u baacsanayaan, u xiranayaan, una xukumayaan” masuuliyiinta Maamulka KMG, isaga oo ka digay in haddii aan laga hortagin, aysan ka waaban doonin inay u gacan geliyaan “cid saddexaad.”
Shaqo ka joojin iyo is-mari waa
Bayaanka ayaa yimid kadib markii Getachew Reda, 11-kii Maarso 2025, uu xilka ka qaaday Jeneraal Sare Fisha Kidanu, oo ahaa madaxa Xafiiska Nabadda iyo Amniga gobolka, isaga oo ku eedeeyay inuu “ku guuldarreystay fulinta awaamiirta dowladda.”
Warqaddii uu soo saaray Getachew, wuxuu ku eedeeyay hoggaanka xafiiska inuu diiradda saaray “burburinta hay’adaha dowladda halkii uu ka fulin lahaa awaamiirteeda,” isaga oo ficilladaasi ku tilmaamay kuwo “la marsiinayo magaca fulinta sharciga.”
Go’aankan wuxuu daba socday shaqo-ka-joojintii lagu sameeyay Jeneraal Sare Yohannes Woldegiyorgis, Jeneraal Sare Masho Beyene, iyo Jeneraal Migbey Haile, kuwaasoo warqado ay saxiixeen Getachew isla maalintaas lagu shaqo-joojiyay.
Warqadahaasi waxay saraakiishan ku eedeeyeen inay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo “ka hor imaanaya go’aannada dowladda,” isla markaana ay gobolka “ku sii riixayaan xaalad dagaal gudaha ah.”
Dhinaca kale, Xafiiska Nabadda iyo Amniga ee Tigray ayaa si cad u diiday shaqo-ka-joojinta, isaga oo sheegay in go’aankaasi uusan “waafaqsaneyn nidaamka hay’adeed iyo sharciga,” balse lagu qaaday kadib markii “ficillo sharci fulin ah oo ka dhan ah dambiilayaasha la bilaabay.”
Rabshado iyo iska horimaad dhacay
Dhanka kale, idaacadda Mekelle FM 104 ayaa sheegtay in shan qof ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday magaalada Adigudom ee gobolka Koonfureed, kadib markii uu iska horimaad dhex maray ciidamada ammaanka iyo dad taageersan xubno uu magacaabay Maamulka KMG.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolkaas, Tsegay G/Tekle, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaalka rujuca ee Ayder ee Mekelle. Wuxuu yiri:
“Xilli golaha deegaanka magaalada Adigudom uu shir ku jiray, ciidamada ammaanka ayaa yimid iyagoo ku amray in ay xafiiska ku wareejiyaan furayaasha iyo shaabaddii maamulka. Markii goluhu diiday, ayaa rasaas la is weydaarsaday.”
Wuxuu intaa ku daray in shan qof ay rasaas waxyeello u geysatay, halka dad kale la garaacay. “Xubnihii golaha waa la watay iyada oo lagu qaaday gaari boolis, mana la oga halka lagu qaaday,” ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale, wargeyska Weyin ayaa sheegay in Redai G/Egziabher, oo ay xilka u magacaabeen kooxda uu hoggaamiyo Debretsion G/Michael ee TPLF, uu shaqada ka bilaabay magaalada Adigrat kadib markii xilka laga qaaday duqii magaalada ee Maamulka KMG magacaabay.
Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus.
Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat.
Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay.
Baaqyo iyo digniino cusub
Bayaan kale oo uu soo saaray Maamulka KMG ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabooyinka ay “si aan masuuliyad lahayn u qaadayaan” taliyayaashu, isaga oo ka digay in arrintaasi gobolka ku sii riixayso qalalaase gudaha ah.
Wuxuu maamulka ugu baaqay shacabka Tigray—gaar ahaan dhalinyarada iyo ciidamada— inay “fahamaan xaaladda” oo ay “ilaashadaan deegaannadooda.”
Wuxuu dhalinyarada ugu baaqay inay abaabulaan si ay isaga difaacaan “halis weyn oo soo fool leh,” halka ciidamada uu ugu yeeray inay “ka hor yimaadaan awaamiirta wax duminaya” oo ay shacabka “ka badbaadiyaan khataraha soo fool leh.”
Sidoo kale, maamulka wuxuu dowladda federaalka ugu baaqay inay si degdeg ah u gasho arrinta, isaga oo xusay in kuwa “isku magacaabaya ciidamada ammaanka” ay yihiin “ergo u adeegaya koox dan gaar ah leh” oo aan matalin shacabka Tigray ama Maamulka KMG.
Wuxuu dowladda ugu baaqay in aysan “aamusan” marka heshiiska Pretoria lagu xadgudbayo, oo ay “bixiso taageero degdeg ah.”
Ugu dambeyn, bayaanka wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay “cadaadis saarto” kooxdaasi iyo cid kasta oo taageersan, isaga oo ka digay in haddii aan wax laga qaban, ay taasi horseedi doonto “dhibaato kale oo hor leh” oo ku timaadda shacabka Tigray.