Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib xiriir toos ah oo ay la sameysay hoggaanka Dowlad Goboleedka HirShabelle.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii ay maanta khadka taleefoonka ku wada hadleen Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, oo ka wada hadlay xaaladda ka soo korodhay gobolkaasi.
Ugu horreyn, safiirka Turkiga ayaa uga mahadceliyay madaxda HirShabelle adkeysiga dagaalka Khawaarijta, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna u muujiyay garab istaag la xiriira dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah.
Sidoo kale, safiirka ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalka, isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhaawacantay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa kale oo uu Danjire Alper Aktas tilmaamay in la gaari doono guul waqti dhow, wuxuuna si guud u boggaadiyay halganka socda ee xoreynta dalka.
“Farriinta Dowladda Turkiga, oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya, waxa ay dhiirrigelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka HirShabelle,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabelle.
Dhankiisa, Madaxweynaha HirShabelle ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya wada-hadallada khadka taleefoonka iyo taageerada uu u muujiyay dagaalka ay haatan kula jiraan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Cali Guudlaawe ayaa kulan la mid ah, oo aaladda fogaan-aragga ah, horay ula yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Mr. Richard H. Riley, iyagoo ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Danjire Richard H. Riley ayaa bogaadiyay hoggaaminta iyo abaabulka Madaxweyne Guudlaawe ee dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.
“Waqti adag ayaad garab istaag noogu muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socda, waxaadna waqti geliseen sidii HirShabelle ay xor u noqon lahayd,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
HirShabelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka.