Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada alka Kenya ayaa ka qeyb-galay shir maaliyadeed muhiim ah, kaas oo looga hadlay saddex qodob oo waa wayn.
Shirkan ayaa 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), wuxuuna kusoo aaday xili magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.
Saddexda qodob ee diiradda lagu saaray shirkan ayaa kala ah:-
- Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.
- Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.
- Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.
Wasiir Biixi oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale waxa uu kulamo doceeyo kala duwan la yeeshay wasiirada dhiggiisa iyo madaxda kale ee kasoo qayb-gashay shirka ka dhacay magaalada Nairobi.
Si kastana Dowladda Soomaaliya waxa ay haatan ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya.