Bahrain (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta caasimadda Boqortooyada Bahrain uga qeyb-galey meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa kamid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo iyo sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin.
Sidoo kale waxaa shirka diirada lagu saaray sidii xabbad joojin deg-deg ah looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, islamarkaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.
Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Boqortooyada Bahrain martigelinta shirkan muhiimka ah, iyada oo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.
Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan wasiirrada warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta.
Wasiirka Warfaafinta Mr Daa’uud ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.
Intii uu shirka socday waxaa wasiirka warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.