Dowladda oo marin habaabisay shirka Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ergada ka qeybgaleysa Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ay ka cabanayaan faragelin ay sheegeen in lagu hayo soo xulista Ergada Shirka.

Nabadoon Cabdullahi Geedi Shadoor oo kamid ah Ergooyinka, ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in DF Somalia ay iyada marti galisay shirka, hadana ay iyadu un qaab kale u dhigtay shirka oo idil.

Waxa uu sheegay in Guddiga farsamada iyo Dowlada Federaalka Somalia ay si wada jir ah u marin habaabiyeen Shirka, waxa uu ku eedeeyay in Ergo ay iyaga wataan inay xareeyeen, oo Dadkii Deegaanka laga tagay.

Nabadoon Cabdullahi waxa uu cadeeyay in inta badan Ergooyinka laga dhigay kuwo magac u yaal ah, intii danta laga lahaana la xareeyay.

DF Somalia iyo Gudiga, ayuu uga digay inay shirka u dhigaan sida ay iyagu rabaan, waxa uuna ku goodiyay inay ka bixi doonaan hadii uu sii socdo laqdabada ay isla wadaan DF iyo Gudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com