Dhageyso: Maxkamadda sare oo go’aan xasaasi gaartay (Muxuu ku jawaabi doonaa XASAN SH?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Aabuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay in Maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaartay Laba arin oo uu tilmaamay in shacabka muddo badan ay su’aalo iska weydiinayeen.

Isaga oo shalay magaalada Muqdisho kula hadlay saxaafadda ayuu sheegay in arimha Dastuurka ay mas’uu ka tahay maxkamadda sare ee dalka oo isku rogeysa maxkamadda cadaaladda.

“Maxkamadda sare ayaa mas’uul ka ah wixii Dastuurka ku saabsan, fasiraadiisa, cadeyntiisa, iyadaa loo raacayaa, sidaa waxaan u leenahay sharciga ma ogola meel banaan, waa go’aankii ugu horeeyay ee aan qaadanay” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu gudoomiye Ilka-xanaf ka hadlay go’aanka Labaad ee Maxkamadda sare ay qadatay kaasi oo ku aadan golaha adeega garsoorka, kaasi oo uu sheegay in weli la dhisin, inta laga dhisayana ay jiraan golaha hadda jirta.

“Go’aanka Labaad ee Maxkamadda gaaray waa golaha adeega garsoorka, axdi qarameedyadii ugu dambeeyay gaar ahaan kii ugu dambeeyay qodobkiisa 63 waxa uu si cad u sheegayay in gole adeeg garsoor uu jiro oo mas’uul ka yahay arimaha garsoorka, Dastuurka iminka aynu haysano waxa uu sheegayaa in la dhisi doono golaha adeega garsoor, mar hadii aan la dhisin, inta laga dhisayo golaha hadda jira ayaa jiraya maadaama nidaamka dowliga iyo sharciga aan ogoleyn meel banaan, Labadaas go’aan ayeey maanta maxkamaddu gaartay oo Todobo Garsoor ka kooban” ayuu yiri Gudoomiye Caydiid Ilka-xanaf.

Maxkamadda sare ee Ceydiid Ilka-Xanaf uu hoggaamiyo iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa dhowaanahan u dhaxeeyey muran awoodeed, mana cadda waxa uu Xasan Sheekh arrintan kaga jawaabi doono

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com