Fannaan Keynan oo shaaciyay arrin ka yaabisay caalamka oo shaki galisay fankiisa (faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Heesaaga Somali-Canadianka ee Kaynaan Cabdi Warsame, ahna Qareen u dooda Burcad-baddeeda, ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shirweyne Caalami ah oo toddobaadkan ka dhici doona dalka Morocco.

Kaynaan oo ku caan baxay Heestii Lula Calanka “Wave in Flag” ayaa horey taageero ugu muujiyey Burcad-baddeeda Soomaalida.

“Dad badan ma jecla inaan iraahdo inaan taageerayo Burcad-baddeeda” ayuu ku yiri Kaynaan Warsame Wareysi uu Idaacad siiyey sannadkii 2009-kii, wuxuuna intaasi ku daray inay Burcad-baddeeda taageero ka geysteen sidii Deegaanka looga nadiifin lahaa suntan haraagga Kiimikadda ee ay Maraakiibta shisheeyaha ku dadaiyaan Xeebaha Somalia.

Qareenka difaaca Burcad- baddeeda waxa kaloo uu Wargeyska Huffington Post ku qoray inay Soomaalida oo dhan kor u ruxayaan Calanka Burcad-baddeedeena.

Dhinaca kale, Shirweynaha CGI ee ka furmayo dalka Morocco ayaa looga hadli doonaan kororka kharajka Maraakiibta kaga baxa si looga difaaco Burcad-baddeeda.

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Bill Clinton iyo gabadhiisa Chelsea Clinton ayaa lagu wadaa inay Shirkaasi ka qeyb geli doonaan, iyadoo uu Boqorka Morocco, Maxamedka Lixaad uu furi doono Shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com