XOG: Siyaasiyiin wada dhismaha maamul federal ah oo uu madaxweyne ka noqon doono Hiiraale!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Gedo, ayaa sheegaya in Siyaasiyiinta halkaasi ku sugan ay wadaan dadaalo heer gabogabo ah oo Maamul loogu dhisaayo Gedo.

Wararku waxa ay intaasi kusii darayaan in Maamulka loo dhisaayo Gobolka Gedo iyo Jubbada Dhexe, kaasi oo u jeedkiisu yahay in lagu jabiyo Maamulka uu hogaaminaayo Axmed Maxamed Islaam “Axmed madoobe”.

Madaxweynaha Maamulkaasi uu qorshihiisu socdo, ayaa lagu wadaa inuu noqon doono Col. Barre Hiiraale oo colaad siyaasadeed kala dhexeyso Axmed Madoobe.

Dhismaha maamulkaasi ayaa waxaa gadaal ka riixaayo Mas’uuliyiin horay xilal kala duwan DF Somalia uga soo qabtay iyo Siyaasiyiin deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Barre Hiiraale, ayaa maalmaha soo socda ku wajahan Gobolka Gedo, waxaana la tilmaamayaa inay horay usii raacayaan Xubno Deegaanadaasi kasoo jeeda oo ka tirsan DF Somalia.

Arrintaani ayaa u muuqaneysa in kursiga laga tuurayo Hogaamiyaha Maamulka juba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,iyadoona haatan qaban qaabo tii ugu xooganeyd ay ka socoto Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com