Faarax C/Qaadir dhinacee ayuu ka raacsan yahay khilaafka Xasan Sheekh iyo Guuleed (Warbixin) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa xaqiijinaaya in Khilaafka xoogan uu ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xassan iyo C/kariin Xuseen Gulleed.

Wararku waxa ay sheegayaan in xalinta Khilaafkaasi uu hor boodaayo Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Labada Mas’uul ee uu Khilaafka ka dhex taagan yahay, waxaana la sheegayaan in Faarax uu Gulleed ku qancinaayo ka raali ahaanshaha kala qeybinta Mudug.

Madaxweyne Xassan ayaa la tilmaamayaa in xalinta Khilaafkaasi uu u xil saaray Xubno dhowr ka kooban kana tirsan Dam jadiid waxaana hor boodaaya Faarax oo isagu kaalin buuxda ka geystay sidii Gulleed loogu soo taagi lahaa xilka Madaxtinimo ee G/Dhexe.

Faarax ayaa dhanka Telka kuwada xiriirinaayo labada Mas’uul, inkastoo uu jiro warar hoose oo sheegaaya in Gulleed uu ka caga jiidaayo inuu qaato maslaxad, bacdamaa uu Madaxweyne Xassan ka beeray balamihii kala dhexeeyay Gulleed ka hor inta uusan ka qeybgalin shirkii kusoo idlaaday Garoowe.

Waxaan la saadalin karin sida uu xaalku noqon doono, waxaana suuragal ah in Khilaafka Labada Mas’uul uu kusoo idlaado sida ugu dhaqsiyaha badan, maadaama ay wadaagan siyaasado dhowr ah, markii laga tago tan G/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com