Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan (Go’aan kasoo baxay Sharif Xasan)

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa khilaaf culus ka dhex qarxay kadib markii maamulka K/Galbeed uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka horjeedo qaabka loo dhisay Baarlamaanka Jubba, kuna tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu xadgudbay dadka degaanka Jubbooyinka.

Wasiirka warfaafinta maamulka K/Galbeed Cabdi Xasan  Maxamed ayaa shir jaraa’id oo uu Baydhaba ku qabtay ku faahfaahiyay mowqifka maamulka K/galbeed ee ku aadan baarlamaanka Jubba loo sameeyay dhowaan, wuxuuna caddeeyay in Baarlamanka cusub yahay mid beel kaliya ay isku koobtay oo umadda degan Jubbooyinka xaqoodii la duudsiiyay.

Wuxuu intaasi ku daray in Baarlamaanka Jubba lagu xulay qaab sharci darro ah oo degmooyin aan jirin dad laga soo xulay, isagoo si cad u sheegay inuu ka soo horjeedo heshiiskii ay Kismaayo ku saxiixdeen labada hogaamiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe, kaasoo lagu gaaray in beelaha Soomaaliyeed ee Jubooyinka si cadaalad ah wax loogu qeybiyo.

Waxaa sii kordhaya sida weyn ee looga horjeedo baarlamaanka dhowaan loo sameeyay Jubba oo cilado badan lagu sheegay, waxaana hadda Baarlamaanka Soomaaliya ka yaala mooshin looga hadlayo arrintaasi kadib markii ay 43 xildhibaan geeyeen mooshinkaasi kuna eedeeyaan hogaanka Axmed Madoobe inuu sharci darro ku hayo Jubbooyinka.

Waa markii ugu horeysay ee laba maamul goboleed oo ka mida kuwa la amaamudayo dalka si cad isku qaadacaan, iyadoo ay hore u jirtay khilaafaad ku saabsan xuduudyada maamulada, waxaana muuqata in federaaleynta Soomaaliya dhibaato badan lagala kulmi doono.

Isha goobjooge