Xasan Sh. iyo wafti gaaray magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowlada federaalka Somalia oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow ka degay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam”Axmed Madoobe” iyo xubno ka kala tirsan labada gole ee Maamulka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu halkaasi uga qeybgalaayo Munaasabada Caleema saarka Baarlamaanka Jubba oo mudooyinkaani dhismihiisu Khilaaf ka taagnaa.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in halkaasi uu ka jeediyo khudbad si uu u bogaadiyo dhismaha Baarlamaanka, waxaana sidoo kale la filayaa in halkaasi uu kula kulmo mas’uuliyiinta Maamulka iyo Xubno heer caalami ah oo ka qeybgalaaya Munaasabadaasi.

Dhanka kale, Socdaalka Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor uu hishiisyo wax ku’ool ah la gaaray Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Somalia, markii laga reebo Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com