Sawirro: Wasiiro ka socda dowladaha Ethiopia & Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi ay gaareen xubno ka kala socda Dowladaha Ethiopia, Kenya iyo IGAD oo dhinac ah.

Wufuuda ayaa waxaa kamid ah Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Eng.Maxbuub Macalin,Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom,Wasiirka Arimaha Dibada ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil iyo xubno heer Baarlamaan ah.

Xubnahaani, ayaa waxa ay ka qeybgalayaan Xaflada Caleema saarka Gudoonka Baarlamaanka cusub ee Maamulka Jubba, iyadoona sidoo kale ay halkaasi ku wajahan yihiin wakiilo ka socda Jabuuti iyo Uganda.

Wufuudaasi ayaa waxaa halkaasi uga sii horeeyay Madaxweyne Xassan iyo Xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia.

Caleema saarka ayaa waxaan ka qeybgaleynin Maamulka Koofur galbeed oo iyagu saacad ka hor shaaciyay inaysan marti ku aheyn Munaasabadaasi, islamarkaana kasoo horjeestay Baarlamaanka.

Dhanka kale, Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa maanta aad mashquul ah iyadoo ay kasoo dagayaan diyaarado wada wafuud kala gedisan oo caalamka ka kala imaanaysa.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com