XOG: Mareykanka oo ku dheggan madaxweyne Xassan Sheekh iyo Obama oo warqado soo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiil ka howlgashay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somali, ayaa sheegaya in madaxweynaha uu cadaadin kala kulmaayo Dowlada Mareykanka.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in safarkii John Kerry kadib uu Xafiiska Madaxweyne Xassan soo gaaray warqado looga digayo inuu dayaco fursadaha suuragalin kara doorashada 2016-ka ee fooda nagu soo heyso.

Qoraalka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid salka ku hayay doorashada dalka, iyadoona uu ku saxiixnaa Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu xafiiskii maalinimadii shalay aheyd ku qaabilay Saraakiil ka kala tirsanaa Machadka diplumaasiyada Mareykanka iyo QM kuwaasi oo la tilmaamay inay kala hadlayeen doorashada dalka, waxaana la sheegayaa in dhankiisa oo ku balanqaaday in xiligeeda ay dhici doonto.

Waxa ay ku cadaadiyeen in xili hore uu bilaabo arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Inta badan Beesha Caalamka ayaa xiligaani aan la dhacsaneyn Siyaasada DF Somalia, kadib markii Madaxweyne Xassan uu ka faa’iideysan waayay taageerida ay la garab taagan tahay Caalamka.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay inay og yihiin inaysan Doorashooyinkaasi dhici doonin.

Sidoo kale, Saraakiisha ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka waxa uu carrabka ku dhuftay inay haatan indhaha ku hayaan dhowr xulasho oo loo qaban karo Doorashooyinka, isla markaana ka duwan qaababkii hore ee lagu dooran jirey Hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Hadalka iyo dadaalada Dowladda Maraykanka ayaa muujinaya inay doonayaan Isbedel lagu sameeyo qaabka wax loo dooran jirey, si meesha looga saaro hab-dhaqanka gurracan ee ay u dhaceen Doorashooyinkii hore.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa iminka baaqyada kaga imaanayo Dowlada Mareykanka kala tashanaayo dowladaha Somalia saaxiibada dhow la ah sida Jabouti, Ethiopia, waxaana suuragal ah inuu kala kulmo talooyin wax ku ool ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com