Fadeexad: Xasan Sheikh oo nidaam xumadii ugu darneyd ay ku qabsatay Kismaayo (SAWIRRO) !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo wufuud ka socota dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ka qeybgalaya caleemo-saarka Baarlamaanka loo sameeyay maamulka Jubba, waxaa kaloo Kismaayo hore u tegay madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Haddaba daawo sawiradii ugu danbeeyay ee madaxda ka qeyb galeysa xaflada caleemo saarka Baarlamaanka KMG ah ee Jubba.

Sawirada waxaa kaaga muuqda fadeexo nidaam xumo ka dhacday meesha markii madaxweynaha Soomaaliya iyo hogaamiye Axmed Madoobe is barbar fariisteen oo laba calan dhinacyada laga dhigay, isla markaana wufuudii kale ay dhinacyada fariisteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaad moodaa inuu maalmihii ugu danbeeyay ku dhex jiro nidaam xumo dhalisay inuu xitaa ka tanaasulo wixii ugu yaraa ee madaxweyne Qaran lagu maamuusi jiray, taasoo khaladkeeda inta ugu badan isagu leeyahay marka lagu daro kuwa la shaqeeya.

xasan dabaal 1xasan dabaal 2xasan dabaal 3xasan dabaal 4xasan dabaal 5xasan dabaal 6