DF oo Muqdisho ku xirtay gudoomiyaashii Gedo iyo Baardheere kadib qorshe loo degay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in galabta magaalada Muqdisho lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq ‘Alqaadi” iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax.

Labadaan mas’uul oo ah kuwa kaliya ee taageersan Jubaland, islamarkaana ka tirsan maamulka gobalka Gedo, ayaa maanta la keenay Muqdisho kadib cadaadis ay saartay dowladda Somalia, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Sida aan xogta helanay, Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayey dowladda u dirtay dowladda federaalka, kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho, kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Somalia ay masuuliyiintaan u balan qaaday, xilal iyo in ay ka bixin doonto lacago deyn ah oo lagu yeeshay mudadii ay u shaqeynayeen maamulka Jubaland.

Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la wareegay ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

Sababta Taliyaha qeybta 43-aad ee xooga dalka loogu diray mas’uuliyiintaan si uu u keeno Muqdisho ayaa ah in ay ka tirsanyihiin ciidanka xoogga dalka, isla markaana ay isaga hoos tegayeen.

Gabi ahaanba gobolka Gedo oo ka mid ah gobollada uu ka arrimin jiray maamulka Jubbaland ayaa gacanta u galay dowladda federaalka, kadib markii ay ku daadisay ciidamo ay diyaarado uga daabushay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shir ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha wasiirada Jubbaland ayaa looga hadlay ciidamada ay dowladda federaalka toddobaadyadii dhowaa ku daabuleysay, isla markaana qabsaday inta badan gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubbaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.

Sida lagu sheegay qoraalka, golaha wasiirada Jubbaland ayaa go’aan ku gaaray inay heegan buuxa geliyaan ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Jubbaland, si looga hortago, baa la yiri “weerarada qaawan ee ay dowladda federaalku kusoo qaaday Jubbaland.”