Baraawe (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay sheybaarka lagu ogaado qofka qaba COVID-19, waxay maanta ka dejisay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dawooyinka iyo qalabkan caafimaada ayaa la geeyey Baraawe, kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga kahor tagga Coronavirus inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamo u eg xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiir ayaa maamulka degmada Baraawe iyo guddiga kahor tagga COVID-19 ku wareejiyey qalabkaas caafimaad.
Sidoo kale xubnihii ka socday xaafiiska Kheyre ee Tegay Baraawe waxay kormeereen isbitaalka guud ee magaalada iyo xarunta loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada uu soo rito xanuunka Coronavirus.
Dhakhaatiirta oo baaritaan ku sameeyay 14-qof oo lahaa astaamaha lagu garto COVID-19, ayaa tababar u sameeyey dhakhaatiir kale oo deegaanka ah, sida dadka ay uga baaraan cudurkas, dadka maanta lagu baaray Baraawe ayaa la sheegay in dheecaanadooda loo soo gudbiyey Muqdisho.
Maamulka degmada Baraawe ayaa dowladda federaalka uga mahad celiyay dawada iyo qalbka caafimaad ee maanta la gaarsiiyey Baraawe.
Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya ayaa gaaray 722-kiis, 44 ayaa ka bogsatay, halka 32-qofood ay u geeriyootay.


