DF oo qorsheynaysa inay dalka kusoo celiso xubno ka tirsanaa Daacish-ta dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya ayaa shaacisay inay qorsheynayso sidii loo sii deyn lahaa, islamarkaana dalka loogu soo celin lahaa Soomaalida ku biirtay Daacish ee ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Suuriya.

Farxaan Gurxan oo ah sii-hayaha safaaradda oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Jabhadda Kurdish-ka ay u ballan-qaadeen inay la kulan-siiyan Soomaalida ku jirta xerada Al Roj ee waqooyiga Syria.

“Waxaan la kulmay sarkaal ka tirsan jabhadda kurdish-ka ee gacanta ku haysa gobolkan, wuxuu ii ballan-qaaday in la i gayndoono xerada Alroj ee dumarka ay ku jiraan, wuxuu kaloo ii ballan-qaaday inuu ila kulansiiyo labo kamid ragga Soomaaliyeed ee xabsiyada Daacish ku jira, si aan uga wareysto xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Farhaan Gurxan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xerada Al Roj iyo xero kale oo ayaduna u dhow inay ku jiraan dumar Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 19 iyo 23 caruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay.

Waxa jira oo kale dhalinyaro rag ah oo xabsiyada ku jiro oo aan ilaa hadda tiradooda si rasmi ah loo hayn, waxay Safaaradu ku howlan tahay dib sidii loo sii deyn lahaa, islamarkaana dalka dib loogu soo celin lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii dadkaas dib loogu soo celin lahaa gudaha Soomaaliya, maadaama ay ku dhibaataysan yihiin xeryaha iyo xabsiyada dalkaas oo ay muddo sannado ah ku jiraan.

Soomaalida ku xiran xabsiyada Suuriya ayaa waxay u badan yihiin kuwa ka yimid dalalka Yurub iyo Mareykanka, xiligii kooxda ISIS ay gacanta ku haysay inta badan wadankaas, ayada oo markii dambe ee la jabiyeyna lagu soo qabtay dagaalka.