Al-Shabaab oo si yaab leh gurigiisa MUQDISHO ugala baxay sarkaal kasoo goostay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si la yaab leh u afduubatay sarkaal horey uga mid ahaan jiray, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda kana tirsanaa Hay’adaha Ammaanka.

Sarkaalka gurigiisa lagala baxay ayaa lagu magacaabaa Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib Seerjito, wuxuuna daganaa guri ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gurigiisa ugu galeyn kadib markii ay maqas weyn ku jareyn guriga oo ahaa mid ka sameysan Jiinkada loo yaqaan Bacweynaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalkaan ayaa wuxuu u shaqeenayey Hey’adaha Amniga Dowladda, wuxuua dhowr jeer kasoo muuqday muuqaalo uu baahiyey teleefishinka qaranka, kuwaas oo dhallinyarada looga wacyi gelinayey inay ku biiraan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan bixin xog ku saabsan sida Al Shabaab ay ugu suura gashay in ay ku wataan ninkan muhiimka u ahaa.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin afduunka ay u geysatay sarkaalkaa, waxaana la rumeysan yahay inay la aadeyn dhanka duleedka Dayniile oo ay ku leeyihiin saldhig ciida oo weyn.

Taariikhdiisa oo kooban

Macalin Siciid Cabdulle Dilib Seerjito waxa uu ku dhashay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose sanadku markii uu ahaa 1986, Waxbarashadiisa dugsiga hoose ilaa heer Jaamacadeed waxa uu ku qaatay Muqdisho, waxa uuna ku tkhasusay Culuumta Network Engineering.

Sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray magaalada Muqdisho, iyada oo xilligaasi looga faa’iidaysanayay aqoontiisa luuqadaha iyo Tiknooloojiyadda.

Seerjido oo July 2021, lagu waraystay barnaamijka Gungaar ee ka baxa warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in shaqadii ugu horay ee uu ka qabtay Al Shabaab dhexdeeda loona soo bandhigay ay ehayd turjumaan maadaama uu si feecan u yaqaanay luuqadaha Engiliish-ka, Carabiga iyo Afka Soomaaliga.

Waxa uu sheegay in uu gacan wayn ka gaystay in warbaahinta Al Shabaab oo markii hore baahin jirtay Nashiidooyinka Carabiga ah lagu soo daro gabayada Soomaaliya “maadaama aan dhaqan leenahay Carabnimada aan diidi Karin oo aan Carab nahay”.

Mar wax laga waydiiyay awooda Al-Shabaab ayaa ku dooday in ay mar ahaayeen awood xooggan balse hada ay awood yaryihiin sida laga aaminsanyahay.

Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib waxa uu warbaahinta u sheegay in samaynta warbixinada iyo muuqaalada laga soo min-guuriyay shabakadaha Caalamiga ah sida Alsaxaab, Al-kataa’ib iyo kuwa kale oo Al-Qaacidda ay leedahay ay inta abdan xooga ku saari jiray soo jiidashada dadka Qurba joogta ah.

Seerjito ayaa 2014-kii ku biiray Daacishta Soomaaliya , waxa uuna u safray buuralayda Galgal ee gobolka Bari, waxa uuna halkaasi kula kulmay hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Waxa uu sheegay in Daacish ay aqoontiisa ka faa’iidaysatay sida oo dooday inaysan jirin farqi u dhexeeya Al Shabaab iyo Daacish oo labada uu la soo shaqeeyay xiliyo kala duwan.

Seerjito, ayaa sheegay in uu Daacish uu ka caawiyay in ay wararka iyo barnaamijyada muuqaal ah u sameeyo.

Macalin Siciid Cabdulle Dilib, ayaa isku soo dhiibay Dowladda Faderaalka isaga oo sheegay in dagaalyahana hogaankooda ka leexdeen sababtii uu ugu biiray, isaga oo doortay in uu la shaqeeyo NISA balse ugu dambayn waxaa afduubtay Al Shabaab.