Maxay yihiin ciidanka maanta laga soo dejiyay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dagay ciidamo badan oo ka tirsan booliska howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka socda waddanka Chana.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidamada oo tiradoodu gaareysay ilaa 113 Askari ayaa waxay dalka joogi doonaan sida uu qorshuhu yahay muddo sanad ah, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dhismaha tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay ciidamadaan qeyb weyn ka qaadan doonaan sugida amniga doorashooyinka, xili dhawaan si hordhac ah u bilaabatay doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Ciidamada ka socda Booliska AMISOM ayaa waxaa magalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha guud ee Booliska (AIGP) Augustine Magnus Kailie, iyo xubno sare oo ka tirsan Kooxda hoggaanka Booliska AMISOM.

Ciidamadaan ayaa waxay si toos ah ugu biirayaan 47 askari oo horay u joogay Soomaaliya, kuwaasi oo dhamaantood ka qeyb qaadanaya doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska AMISOM oo munaasibada soo dhaweynta ciidamadaan ka hadlay ayaa sheegay inay yimaadeen xili xasaasi ah, islamarkaana ay tahay inay kaalin weyn ka qaatan sugida amniga doorashooyinka.

“Waxaan gacanta ku haynaa shaqo aan ku ilaalineyno amniga doorashooyinka socda. Doorashooyinkani maaha shaqo maalin ah, laakiin waxay socon doonaan ilaa Janaayo. Markaa, hadalkayga digniinta ah waa inaad aad uga taxadirtaa oo aad u heellan tahay waajibkaaga,” ayuu yiri AIGP Kailie.

“Qaar ka mid ah waajibaadka aad gudan doontiin waa kuwo loo baahan yahay inaad si firfircon u gudataan,sida roondooyin hubinta baabuurta, joogsiga iyo baaridda, goobidda iyo samatabbixinta, iyo adeegyada kale ee bini’aadantinimo .”

Si kastaba, waxaa Soomaaliya ku sugan ciidamo boolis ah oo ka socda dalalka Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambi, waxaana xiligan qeyb ka noqday dalka Ghana oo ugu deeqay ciidamo badan.