UK oo shaacisay inay Somaliland u aqoonsan karto dal haddii la helo hal mid

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa sheegtay inay Somailand u aqoonsan karto dal madax-banaan haddii hindisahaas ay si wadajir ah u billaabin Somaliland, Soomaaliya iyo dalalka Afrika oo wadajir ah, balse aysan marnaba dal u aqoonsan doonin haddii aanay sidaas dhicin.

Wasiirka UK u qaabilsan Afrika Vicky Ford oo ka jawaabaysay codsi uga yimid xildhibaan Danny Kruger, ayaa sheegtay in UK si la mid ah beesha caalamka inteeda kale aanay Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan.

Waxa ay xustay inay u taallo Somaliland iyo Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan xiriiradooda mustaqbalka.

“Siyaasaddeena weli waa in Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda, iyo in dalalka deriska ah ee gobolka ay qaataan hoggaanka aqoonsiga isbeddel kasta oo cusub,” ayey tiri.

Si kastaba, waxay xustay in UK ay joogitaan diblomaasiyadeed ku leedahay Hargeysa ayna sii waddo inay u yaboohdo kaalmod dhinaca kaabayaasha ah, oo ay ku jirto dhismaha waddada Berbera iyo Ethiopia, tababarka booliska, iyo ka hortagga argagixisanimada iyo meelo kale. 

Vicky Ford waxa ay xustay in Somaliland tahay qayb Soomaaliya ka mid ah oo ku guuleysatay inay sameysato maamul wanaagsan islamarkaana ay mudan tahay in lagu ammaano dadaalka ay ku bixisay xasiloonida.

Waxay xustay inay Somaliland si hufan ula shaqeynayaan illaa iyada iyo Soomaaliya ay ka gaarayaan heshiis kama dambeys ah.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxayna ku dhawaaqday inay gooni-isu-taag tahay balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah.