25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

DF oo qorsheynaysa inay lacag ka dhigto qaadashada kaarka aqoonsiga – Goorma?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in bilaha soo aadan ay lacag ka dhigto kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso hay’adda NIRA.

Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) oo wareysi siiyay telefishinka dowladda ayaa waxa uu sheegay in sababta haatan looga dhigay in kaarka lacag la’aan lagu qaato ay tahay xaaladda daruufeed ee wajahayaan bulshada Soomaaliyeed.

Cabdiweli ayaa xusay in ujeedka uu yahay in bulshada Soomaaliyeed oo dhan ay wada qaataan kaarka NIRA, sidaas darteedna ay xilligaan adkaatay in lacag lagu bilaabo, maadaama ay bulshada oo qeyba kala duwan leh aysan awoodi karin.

“Dowladda waxay yaqiinsatay in dadka Soomaaliyeed dad badan oo ka mid ah ay awoodin adeegyo badan oo heli lahaayeen lacag ku bixiyaan. Id-gana haddii la rabo in dadkii oo dhan wada qaataan, oo qof kasta qaato, dadka Soomaaliyeed dhamaantood ma awoodi karaan,” ayuu yiri Maareeye Cabdiweli.

Waxa uu intaas kusii daray “Si qofkasta u heli karo Id-ga, in loo sameeyo waqti lacag la’aan uu noqdo, si fursad loogu siiyo dadka saboolka ah ee aan awoodi karin Id-ga, si aysan hadhoo caqabad ugu noqon. U turis dowladdu u turtay dadka ayay aheyd in lacag la’aan lagu qaato.”

Inkastoo Maareeyaha uusan toos uga jawaabin goorta ay dowladdu lacag ka dhigi doonto qaadashada kaarka aqoonsiga ee NIRA, haddana waxaa hadalkiisa laga fahmi karaa in qorshaha ugu jirto dowladda in lacag laga dhigo bilaha soo aadan.

“Xaqiiqdu waxa weeyi weligiis lacag la’aan ma noqon doono, kaarkana lacag wuu noqon doona. Ha sugin maalinta lacagta uu noqonayo ee ka faa’iideyso hadda,” ayuu yiri Maareeyaha hay’adda NIRA.

Kaarka aqoonsiga qaranka ayey dowladdu dooneysa in lagu xiro adeegyo badan oo dowli ah, iyadoo dhawaan ay hay’adda socdaalka dhaqan-gelinayso in qof kasta oo sameysanaya baasaboor uu sito kaarka NIRA, taas oo waajib ka dhigaysa qaadashada kaarkan.

- Advertisement -

Read more

Local News