DF oo saacado gudahood dib u furtay jid la xiray iyo arrinta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn loogu baahiyay baraha bulshada cabasho la xiriirta Jid cusub oo dhagxaan lagu degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, taasi oo keentay in saacado gudahood ay dowladda dib u furto jidkaas.

Jidkaan ayaa muhiim u ahaa isu-socodka dadweynaha, islamarkaana isku xira isbitaallo muhiim ah oo kamid yahay Isbitaalka Banaadir, ayada oo dhibaato xoogan lagala kulmay intii uu xirna.

Dib u furida jidka ayaa timid saacado kadib markii dhibaatada ka dhalatay jidkaas lagu faafiyay baraha bulshada, ayna ku dhaliileen dowladda cusub inay sii xirto jidadkii furna, halkii ay furi laheyd kuwa xiran.

Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in jidkaasi ay ku badnayeen tuugada dhacda dadweynaha, ayna xirteen dadka deegaanka, taasi oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid tixgelin gaar ah siineysa qaylo-dhaanta kasoo yeerta shacabka, maadama ay saacado gudaheed uga jawaabtay arrintaan oo dib u furtay jidkaan muhiimka ah.

Si kastaba, Wadadan ayaa halbowle u aheyd isu-socodka dhowr Isbitaal Maxalli ah oo ku yaal nawaaxiga Isbitaal ku dhow Isgoyska Banaadir, sida Isbitaalada Xaawo Cabdi, Banaadir, Somali Sudanese, Shaafi, Somali Swedish, Kalkaal iyo goobo ganacsi.