Hay’adda ICG: Laba arrin ayaa sababay guushii Xasan Sheekh ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin ay kasoo saartay doorashadii madaxweyne ee dhacday 15-kii May ku sheegtay in laba sabab ay caawiyeen guusha siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh. 

Xasan Sheekh ayaa warreeggi saddexaad ee doorashada kaga adkaaday madaxweynii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo helay 214 cod, halka Farmaajo uu helay 110 cod.  

ICG ayaa sababta koowaad ee guusha Xasan Sheekh ku sheegtay; Farmaajo oo caqabad ay ku noqotay inuu kursiga fadhiyey, ayada oo madaxweynayaasha Soomaaliyeed aan dib loo soo dooran; ma jirin madaxweyne Soomaaliyeed oo dib loo doortay 20-kii sano ee tegay. 

Nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo is-xulufeysiga qabiilada ayaa adkeynaya in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay qanciyaan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyeen dib u doorasho, ayey tiri warbixinta. 

“Waxaa inta badan jira dhaqan loo yaqaan washamsi oo laga cayaaro Soomaaliya ayada oo mucaaradka ay isku urursadaan inay taageeraan qofka ugu xooggan ee la tartamaya madaxweynaha kursiga fadhiya.”

Musharaxiinta ayaa u baahan inay dhisaan isbaheysi oo ay sameystaan heshiisyo heer sare ah inta ay socdaan wareegyada doorashada, ayaga oo raadsanaya codadka kuwa tartanka ka hara. 

Dhaqdhaaqyadan ayaa la arki karay doorashada. Xasan Sheekh wuxuu afar laabay codadkii uu helay intii u dhaxeysay wareeggii koowaad iyo wareeggi saddexaad, halka Farmaajo uu ku guuldarreystay inuu xitaa laba laabo. 

Go’aanka Farmaajo ee ahaa inuu awoodda dowladda ka dhigo mid dhexe ayaa u horseeday mucaarado xooggan oo kaga timid awoodaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxdii ka horeysay iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada.

Kuwa badan ayaa u arkay doorashada madaxweyne fursad ay xafiiska kaga saaraan Farmaajo. Musharaxiin badan ayaa ICG u sheegay in qorshahooda koowaad uu ahaa inay guuleystaan, balse haddii ay taas ku guuldarreystaan, qorshahooda labaad uu ahaa inay taageeraan cid kasta oo aan ka aheyn Farmaajo. 

Sababta labaad ee guusha Xasan Sheekh waxay aheyd hadalkiisa nabaddoonimo oo ay la dhaceen xubno badan oo ka mid ah baarlamanka, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed ee ku daalay hab dhaqanka muranka leh ee Farmaajo ee ku aaddan mucaaradka gudaha iyo qaar ka mid ah saaxiibada dibedda.

Xasan Sheekh ayaa olole ku galay ballan-qaad ah inuusan ka aargudan doonin kuwa aan taageerin doorashadiisa iyo inuusan sameysan doonin cadow gudaha iyo mid dibedda ah, taasi oo ka duwaneyd mayal adeegga Farmaajo.

Hay’adda ICG ayaa ugu dambeyn sheegtay in guusha Xasan Sheekh ay tahay fursad ay Soomaaliya isbeddel ku sameyn karto oo ay ku sixi karto khaladaadkii dhacay shanti sano ee uu Farmaajo madaxweynaha ahaa.