Muranka hareeyey kursiga xildhibaan ee CC Shakuur oo gaaray golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muranka hareeyey kursiga uu ku fadhiyo Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib markii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ergeyga u qaabilsan dhanka bani’aadanimada.

Xildhibaanadan ayaa si weyn uga dooday arrinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in xildhibaanka uu waayayo xubinimadiisa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, haddii uu qabto xil aan aheyn uu wasiir.

“Dabcan Dastuurka, sida uu sheegayo qodobka aad sheegtay ee 59-aad wuxuu qaban karaa xildhibaanku xil wasiir kaliya, wixii intaas kasoo harana wuxuu ku waayayaa xubinimadiisiii,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Seynab Caamir oo sidoo kale ka mid ah baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa iyaduna ka hadashay muranka hareeyey kursiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayan si guud u sheegtay in xildhibaanka, haddii uu qabto xil aan aheyn wasiir uu waayey xubninimadiisa.

“Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ay shacabka soo doorteen wuxuu xilkiisa ku heyn karaa, haddii uu noqdo wasiir oo xildhibaan iyo wasiir ayuu isku noqonayaa, laakiin marka meel kale loo doorto ama agaasime haloo doorto ama safiir haloo doorto xilkiisii wuu waayey kaas, waa inuu booska banneeyaa,” ayey tiri xildhibaan Seynab Caamir

Xildhibaan kale oo ka tirsan golaha oo isna soo hadal qaaday dooda taagan ayaa sheegay in ambassador iyo ergey ay yihiin arrin gooni ah, balse loo baahan yahay in dib loo eego arrintan, si la’isku waafajiyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah iyo magacaabistaan.

“Runtii ambassador iyo ergey waxaan isleenahay waa arrin ka gooniya aanan ka mid aheyn xilalka sida tooska ah loogu magacaabay meesha inuu qofka ka mid noqoneynin, laakiin waa qodob gooniya oo hoos loogu fiiriyo mudan,”.

Si kastaba, hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay magacaabista siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha, waxaana dadka qaar ay shaaciyeen inuu xilkiisa waayayo, iyaga oo soo xiganayo qodoka 59-aad ee Dasrtuurka Soomalaiya , halka kuwa kale ay ku doodeen inuu isku heyn karo labada xil, maadaama ergey sidiisaba uu yahay qof wakiil ah, isla-markaana uusan qayb ka aheyn arrimaha maamulka dowladda.