DFS oo sababtay gabar fool aheyd inay ku dhex umusho waddo ku taal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa ka dhacday magalada Muqdisho ee caasimada Somalia, gaar ahaan agagaarka dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia kadib markii Haweeneydan oo la soctay Mooto Bajaaj loo diiday inay u gudubto Isbitaalka ay ku dhali laheyd.

Haweeneydan oo markii hore fool aheyd ayey  ciidamada Dowlada eek u sugnaa Isgooska Banaadir u diideen inay la gudubto Bajaajka, xili ay u sheegtay inay ku jirto daqiiqadihii ugu danbeeyay ee foosha, hase ahaatee ciidamada halkaa ku sugnaa ayaa u diiday inay marto wadada.

Ciidamada ayaa darawalkii waday Bajaajka si bareera ugu diiday inuu Haweeneyda gaarsiiyo Isbitaalka Hooyadda iyo Carruurta ee Banaadir oo aan ka fogeyn halka ay askarta ka xireen Jidka.

Ciidamada halkaa ku sugnaa oo u muuqday kuwo aan lagu ababin la dhaqanka shacabka iyo qiimeynta duruufta dadka xanuunsan ayaa dhegaha ka fureystay inay Haweeneyda Foosha haysay u maciinaan iyo inay Bajaajkii gurmad ahaanta iyada u waday u fududeeyaan marista Jidka.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta ayaa yiri ‘’Waxaan ku leexday ashahaatanka iyo qeyla dhaanka Haweeneyda, ciidamadu waxa ay dadka gurmadka ku baacinayeen qori waxa ayna ku goodinayeen inay dilayaan qofkii kasoo gudba goobta’’

‘’Runtii aniga aad ayey isku bedeshay shucuurteyda waayo askarta aan la shaqeyn laheenay ayaa nooga daran kuwa baneestay nafteena’’

‘’Ciidamada Haweeneydii aan arkay xanuunka saarnaa u arxami waayay dabcan anigu kama sugaayo wanaag balse taasi waxa ay diiwaanka u gali doontaa Dowlada, weyna adkaan doontaa inay wada shaqeyn dhexmarto ciidanka iyo dadka shacabka ah’’

Muranka iyo mowqifka ciidamada oo adkaa kadib Haweeneyda ayaa ku umushay dhinaca wadada xili jawiga magaalada Muqdisho uu ahaa mid qabow saacaduna ay aheyd xiliga Maqribka kadib.

Sidoo kale, dhacdadan ayaa ka mid ah Dhacdooyinka naxdinta leh ee ay dadweynuhu la kulmaan xilliyadda ay Ciiddanka DFS xiraan Waddooyinka muhiimka u ah isku-socodka magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Ciidamada dowlada ayaa lagu eedeeyaa in xiliyada ay xiran yihiin waddooyin si ay ku jirto cadaawad ula dhaqmaan dadka shacabka, taa oo la sheego inay sabab u tahay wada shaqeyn la’aanta shacabka iyo ciidanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com