Biixi: Waxaa isu keen qaban la’ Soomaali ha midowdo & in lagu caawiyo ma ogolin

Hargeysa (Caasimadda Online) – Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka jeedinayey munaasibadda xuska sanad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay markii ay madax banaanida qaateen Gobollada Waqooyi ayaa ka hadlay Go’aankii dowladda ay kaga hortimid deeqaha lasiiyo Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ay duullaan ku yihiin Somaliland,taasina ay daliil u tahay dagaalka ka socda Tukarraq, go’aanka dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ee deeqaha beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nagu socda weerar colaadeed oo aan kala har laheyn, maalin hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waraaq soo saaray oo caalamka ku oranayo Somaliland yaa la caawin, waxaa kaloo soo baxay warqad kale oo ay soo saareen maamul goboleedyada oo ay leeyihiin Somaliland yaa la caawin”ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan isku qaban karin in la dhaho Soomaali ha midowdo iyo Midnimada waa muqadas iyo in la cunaqabateeyo oo kaalmadii Somaliland ay ka helayeen caalamka la dhaho in la hakiyo.

“Midnimo la raadiyo iyo in lagana go’doomiyo deeqaha Caalamka ma ahan kuwo isqabta,iyaga oo iska kaashanaya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada” ayuu sii raaciye.

Mar uu ka hadlaayay Shaqada Hay’adda DP World ee dekadda Berbera ayuu sheegay in Bisha December ee soo socota ay billaabaneyso hawlaha rasmiga ah ee dekadda islamarkaana dhismaha wadda ka baxda Berbera illaa Wajaale tagtana la diyraarinayo.

Caasimada Online

Xafiisk Hargeysa

Caasimada@live.com