Madaxda Galmudug oo la isugu keenay Muqdisho iyo shirar socda (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku wada sugan dhammaan madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug sida Madaxweyne Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Madaxdaan oo maalmihii dambe ku jiray xaalad khilaaf aad u adag ayaa waxaa Magaalada Muqdisho isugu keentay dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadaal dheer ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa Khilaafkaan fadhiisay shaqadii looga fadhiyey Maamulka Galmudug.

Dadaalka lagu doonayo in Khilaafkaan lagu xaliyo ayaa waxaa iska kaashanayo dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo qaar ka tirsan waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug

Saacadihii lasoo dhaafay ayey madaxdaan Muqdisho ku yeesheen kulamo kala goono gooni ah iyadoo ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa Khilaafa ka dhex taagan loona fiirin lahaa danta Shacabka Galmudug oo maamulkaan uga fadhiyo waxqabad.

Waxa ugu badan ee laga doodayo ayaa ah heshiiskii Jabuuti lagu gaaray  kaasoo Garabka ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka u arkaan inuu yahay mid garab marsan Hanaanka awood-qeybsiga.

Arrinta ugu kulul ee dooda ugu badan ay ka taagan tahay ayaa ah Dastuurka oo Garabka Cadaado ku sugan uu ku doodayo in wax ka bedalay lagu sameeyay, islamarkaana Madaxweyne Xaaf uu mudo kororsi ku sameystay mudada Xil-hayntiisa maadaama lagu qoray dastuurka cusub inuu xilka sii hayn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo laga soo billaabayo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna bishii January ee sanadkan.

Sidoo kale waxaa taagan muran ku aadan Caasimadda Maamulkaas, iyadoo garabka Xaaf kasoo horjeedo ay rabaan inay Cadaado noqoto Caasimadda Baarlamaanka Galmudug sida uu horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa lasoo sheegayaa inay ka go’an tahay sidii loo dhameyn lahaa Khilaafkaan isla markaasna loo arki lahaa Maamulka Galmudug oo mideysan.

Marka ay soo dhammaadaan kulamada goono goonida ah ayaa waxaa la filayaa inuu dhaco kulan ay soo diyaarineyso wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasoo lagu dhameystiri doono heshiiska.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

Caasimada@live.com