Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay lacago laga qaadi jiray ardayda geleysa imtixaanka dowladda, kuwaas oo laga dhaafay lacago badan oo laga qaadi jiray, si ay imtixaanka u galaan.
“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxaa sharaf wayn u ah in ay markasta ka dulqaaddo muwaadiniinta culeyska dhaqaale ee uga yimaado adeegga Wasaaradda Waxbarashada ay bixiso,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.
Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Sida aad la socotaan sanadkii 2022-kii waxa ay Wasaaraddu Waxbarashada joojisay lacagtii shahaadada Dugsiga Sare laga qaadi jirtay, sidoo kale laga billaabo sannadkii 2023 waxa ay Wasaaradda Waxbarashada joojisay qarashkii ardayda looga qaadi jiray kaarka gelidda imtaxaanka dugsiga sare.”
Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku shaacisay in qofka ardayga ah laga rabo 25 dollar oo kaliya, taas oo isugu jirta shahaadada dugsiga sare iyo tasdiiqda shahaadada jaamacadda.
“Waxa kaliya oo la qaado waa dakhli ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo ah shan Dollar ($5) oo shahaadada dugsiga sare ah iyo labaatan Dollar ($20) oo ah tasdiiqa shahaadada jaamacadeed, lacagtaas oo siday u dhantahay si toos ugu dhacda Khasnadda Midaysan ee Wasaaradda Maaliyaddu Maamusho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargalisay in aysan jirin shirkad gaar loo leeyahay oo ay heshiis lacag qabasho kula jirto.
“Wasaaradda Maaliyadda waxa ay xafiis lacag qabasho ku dhex leedahay xarumaha adeegga tasdiiqinta ay ka bixiso Wasaaradda Waxbarashada, mana jiro wax isbeddel ah oo ku yimid lacagaha aan kor ku xusnay,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Ugu dambeyntii wasaaradda waxbarashada oo iska fogeysay wax kasta oo musuqmaasuq ah ayaa balan-qaaday inay bixi doonto adeeg hufan, isla markaana ay sharciga la tiigsa doonto cidii ku xad-gudubta adeegyada ay wasaaradu bixiso.
“Wasaaradda waxbarashada oo ah goob ka caaggan musuqmaasuqa iyo wax isdaba mariska, waxay u ballan qaadaysaa bulshada Soomaaliyeed adeeg hufan, waxa ayna sharciga la tiigsanaysaa ciddii ku xadgudubta adeegyada wasaaradda waxbarashada ay dadweynaha u qabato,” ayaa lagu yiri qoraalka.