Dhiillada Iskuul Buluusiya: Ayeeyday waxaa shan sano kadib dib u aasnay lafaheeddii

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya wararka dhiillada ah ee laga soo warinayo qabuuraha Iskuul Buluusiya tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay dalbatay in maydadka looga saaro 10 cisho gudahood.

Dadka ehelladooda halkaas ku aasan yihiin ayaa weli wada sidii ay xabaalaha uga soo saari lahayeen maydadkooda oo ay meelo kale ugu aasan lahayeen, ayada oo maydkii ugu horreeyey ee la soo saaray xabaalaha Iskuul Buluusiya oo halkaas ku aasnaa muddo shan sano ah ay eheladiisu ka dhoofiyeen garoonka Muqdisho.

Marxuumad Warsan Xaaji Maxamed ayaa waxay daba-yaaqadii 2019-kii ku geeriyootay magaalada Muqdisho, iyada oo lagu aasay qabuuraha dib loo faagayo, waxayna ehelkoodu la aadeen magaalada Caabudwaaq oo dib loogu aasay marxuumadda.

Warsan ayaa ku geeriyootay da’da boqolka, iyada oo intoi ay hadli kartay ka dardaarantay in aan lagu aasin magaalada Muqdisho, oo lagu aaso Caabudwaaq, oo hadda shan sano kadib dib loogu aasay, sida uu sheegay Sade Bulle oo ayeeydiis aheyd marxuumadda.

“Waxay dar-daarantay ayeeyo in aan lagu aasin Muqdisho, intii ay sariir saarka ahayd ee ay hadli kartay ayey sidaa dalbatay laakiin nasiib xumo annagu lama aannan garan,” ayuu yiri Sade oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Sababo la xiriira xilligaas oo soo xoogaysanayey cudurkii saf-marka aha ee Covid-19 iyo annaga oo is dhahnay waxba uma dhaxeeyaan Muqdisho iyo halka ay ka dar-daarantay oo an is dhahnay qabuuraha dadkaas muslimiinta ku aasan yihiin ha lala aaso.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in illaa hadda aysan ka go’in maskaxdiisa oo ay ku soo noq-noqonayaan xasuusta hadaladdii ayeeyo, “Waxaa iigu naxdin iyo murugo badnayn markii qolkii aan ayeeyo oo isku taalla maydkeeda ka qaadnay aan mar kale iyadoo lafo-lafo ah dhignay isla qolkii.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo 10 cisho ah u qabatay in dadka ay ehelladooda ku aasan yihiin qabuuraha Iskuul Buluusiya ay meydadkooda kula baxaan, si dowladda ugu isticmaasho xero ciidan oo lagu tababaro ciidamada badda.

Go’aankan oo si weyn looga qeyliyay, ayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ugu baaqeen dowladda inay ka laabato, ayaa u muuqata mid aan dhag-jalaq u siineyn baaqyada iyo wararka dhiilladda iyo qaracanka ah ee kasoo yeeraya dib u faagida qabuurahan.