Goorta ay DF qaadeyso imtixaanka dugsiga sare oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey goorta loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in 27-ka bishaan May ee sanadka 2023 la qaadayo imtixaanka oo ay sanad kasta qaado dowladda federaalka Soomaaliya.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023,” ayaa lagu yiri farriin wargelin oo lagu shaaciyay bogga Facebook-ga ee wasaaradda waxbarashada dalka.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashada ayaa farriin u dirtay Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo sidoo kale maamulayaasha Iskuuladda ku yaalla dalka.

“Haddaba waxaa la farayaa Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka dhiman” ayay raasicsay wasaaraddu.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in maamullada iskuullada looga baahan yahay in ay xil iska saaraan in arday kasta oo ka qeyb gelaya imtixaanka uu helo kaarkiisa agoonsiga.

Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda ayaa ardayda sanadkan geleysa imtixaanka loogu rajeeyey natiijo wanaagsan iyo horumar ay ka gaaraan imtixaankan shahaadiga ah.

“Guul baan u rajeyneynaa Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed,” ayaa lagu soo gabagabeeyay farriinta wargelinta ee ay soo saartay wasaaradda waxbashadu.

Si kastaba, Imtixaankan ayaa noqonaya midkii labaad ee la qaado muddada uu xafiiska fadhiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib loo doortay 15-kii May, 2022-kii.