DF oo shaacisay horjooge sare oo Al-Shabaab ‘ku sameysay shaqo joojin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay shaqo joojin ku sameeysay horjooge Macallin Eyman oo kooxda u qaabilsanaa weerarada ay ka geysato xudduuda iyo gudaha dalka Kenya.

Horjoogahan ayaa waxa uu maamulayay ciidan ay ugu magaca dareen “Jeyshu Eyman, kuwaasi oo weeraro dhabo-gal ah ka geystay gudaha dalka Kenya, Macallin Eyman ayaa hoggaanka maleeshiyaadkaas loo xil saaray sanadkii 2009-kii, isaga oo maamulayay tan iyo markaas.

Macallin Eyman ayaa waxay saaxiibo dhow yihiin Salmaan Muhaajir oo ajaaniibta Al-Shabaab madax u ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, kadib markii dhawaan khilaaf soo kala dhex-galay madaxda sare ee kooxda laguna beddalay Jacfar Suudaani.

Horjoogahan ayaa waxaa la sheegay in looga shakiyay inuu rabay ku biiritaanka maleeshiyadda kooxda Daacish, maadama ay saaxiibo dhow ahaayeen Salmaan Muhaajir-kii dhawaan xilka laga qaaday.

Warbixinta ay baahisay dowladda ayaa intaas kusii dareysa in ciidanka loo yaqaano ”Jeyshu Eyman” loo dhiibay nin lagu magacaabo Cabdisamad Nasta oo kasoo jeedo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Cabdisamad ayaa waxa uu saaxiib dhow la yahay horjooge Maxamed Aamiin oo la rumeysan inay qaraabo dhow yihiin Mahad Karatee, oo isagu kamid ah madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Tallaabada ay qaaday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu tilmaamay mid u horseedaysa kooxda inay soo dhamaato awooddii ay ku laheyd gudaha Kenya, maadaama ay shaqo fariisin ku sameeysay nin si weyn u yaqaanay kooxdii uu hoggaaminayay iyo dhulkii ay dhibaatooyinka ka geysanayeen.

Marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.