Xildhibaan ka tirsan BF oo digniin kasoo saaray waxa ka socda Boorama

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa digniin culus kasoo saaray rabshadaha maanta ka billowday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Xildhibaan Ayuub ayaa wuxuu uga digay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in uu isku dayo inuu xoog iyo xabad ku muquniyo dadka reer Awdal iyo guud ahaan gobollada galbeedka.

“Ma dhici karto in 2023 la isugu arrimiyo xoog iyo qori caaradii. Taliska Muuse Biixi waa in uu ogaadaa in aan laga oggolaan doonin dilka iyo cabudhinta dadkayaga,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub oo qoraal kasoo saaray waxa ka socda magaalada Boorama.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Bulshada waxaan leeyahay idinka ayaa yeelanaya guusha, ee yaanay idin cabsi gelin maleeshiyaadka gabbalkoodu dhacay ee Muuse Biixi.”

Xildhibaanka oo saacadihii la soo dhaafay si dhow ula socday waxyaalaha ka dhacayey gobolada Galbeedka gaar ahaan Awdal, ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay ku timi kadib markii ay Somaliland si hufan u maareyn weyday kiiska sarkaal Khadar Xabeeb.

“Arrintan waxa ay timi markii si arxan daran loo toogtay sarkaal Khadar Xabeeb oo sida la sheegay madax ka ahaa ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland, gaar ahaan qaybta gobolada galbeed. Somaliland si hufan uma maarayn kiiskan, waxana dadka deegaanka oo caraysan ay sameeyeeen muddaharaad. Dilka dadka haldoorka ah ee gobolada galbeedku waa mid soo noqnoqtay marar badan oo aan waxba laga qaban,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka gobolada galbeedku muddo dheer lagu hayey cabudhin, dil, barakicin, wiiqid dhaqaale iyo hor-istaag lagu sameeyey horumarka deegaanka, isaga oo ku booriyay dadweynaha reer Awdal in aysan ka tanaasulin xaqa ay kaga tashanayaan aayahaooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Xilligan, dadku waxa ay yidhaahdeen maya kuma sii jiri karno sidan. Waxa ay doonayaan isbeddel iyo in ay iyagu ka tashadaan aayahooda, oo go’aamiyaan mustaqbalkooda.”

“Guud ahaan bulshaweynta gobolada galbeedku waa in ay aanay ka tanaasulin xaqa ay kaga tashanayaan aayahooda. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hoggaamiyayaasha dhaqanka, odayaasha, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo guudi ahaan qaybaha bulshada iyo waxgaradka gobolada galbeedka in ay si deg deg ah u yeeshaan wada tashi looga arrinsanayo arrimaha taagan iyo tubta mustaqbalka.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iy beesha caalamka in aanay indhaha ka qarsan tacaddiyada ka dhacaya magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolada galbeedka, “Waajib masuuliyad akhlaaqeed ayaa ka saaran ilaalinta badqabka dadka rayidka ah.”