BIIXI oo shaaciyay arrin ay Puntland ka damacsan tahay DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadeed u jeediyay labada gole ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa mar kale ka hadlay colaaladda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Muuse Bixii ayaa mar kale ku celiyay eedeyntii ay horay ugu jeediyeen Puntland, wuxuuna tilmaamay in dagaalkaas ay ka dambeyso, sida uu hadalka u dhihay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in Saciid Deni oo ku socdo magac beeleed uu qayb ka yahay dagaalkaas, kuna doonayo inuu ku sameeyo xuduud beeleed, balse aysan suuragaleyn.

“Dagaalka waxa abuuray maamulka Puntland oo aan ka gambanin in uu dagaalka soo qaado todobbaadkii hore isaga oo waliba hab qabiil u dhaadanaya, waxa uu sheegay in ciidankiisu ka dagaalamayo kana dagaalami doono Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kale uu intaasi ku sii daray in ujeedka Puntland uu yahay inay qaybsato qayb kamid ah dhulka Somaliland, balse ay ku fashilantay.

Sidoo kale wuxuu isla xiriiriyay colaadda Laascaanood iyo khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxa ay Puntland ku taameysay inay hesho qayb kamid ah Somaliland oo ay uga cad goosato Villa Soomaaliya” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu ka xunyahay colaadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood, isaga oo mar kale farriin u diray odayaasha dhaqanka ee SSC.

“Waxa ka socda hadda Laascaanood, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, wax la eegan karona maaha, waxaanu leenahay dadka reer Laascaanood nabad wax dhaama magaranayo, waxay dadkaasi qoxooti u ahaadana garan maayo,” ayuu markale yiri madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mar kale ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ay xalay ku dagaalameen bariga magaalada Laascaanood, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan magaaladaasi.